Ma doonaysaa inaad hesho deeq waxbarasho, dhoof iyo shaqo caalami ah?Halkan ka akhri.

Sannadkasta waxaynu aragnaa dad kala duwan oo deeqo waxbarasho ugu baxaya dalka dibaddiisa ama u dhoofaya dalalka luuqadda English-ka lagaga hadlo ee ay ka midyihiin Canada, Maraykanka, Ingiriiska iyo waddamo kale.Haddaba, haddii aad rabtid in aad hesho ama ku guulaysatid deeq waxbarasho oo jaamacadaha caalamaiga ah, dhoof ama shaqo aad u sarraysa oo noloshaada waxa ka bedesha waxaa oo aad ka hesho waddamadaa caalamka waxa shuruud u ah shahaado yar oo laga diyaariyo luuqadda English-ka oo looyaqaan 

IELTS (International English Language Testing System).

Shahaadadan qofka la siinayaa waa qof la tijaabiyey heerkiisa aqooneed ee luuqadda English-ka sida ku hadalka(Speaking), qoraalka(writing), akhriska(reading) iyo fahamka ama dhagaysiga(listening). 

Haddaba haddii aad rabto inaad ka faaiidaysato oo aad diyaariso shahaadadan waxa lagaa rabaa;

  1. Faham qaabka imtixaanka(understand the test format)
  2. Ogow qaabka examka loo saxo(Know how the test is marked).
  3. Ka ag dhowow dadka ku hadla luuqadda English-ka(Surround yourself with english speakers).
  4. Samee qorshe hawleed(Make a plan of action).
  5. Ku biir xarun kaa caawisa diyaarinta shahaadada IELTS (Join a preparation course).
  6. Ku tababaro su’aalo tusaale u ah qaabka exam-ka (Practice with sample questions).
  7. Dhammaystir xirfadahaaga dhanka IELTS(Perfect your IELTS skills).
  8. Si joogto ah u qiimee oo hubi horumarkaaga(check your progress).

14 Comments

  1. Xagee ka bartaa oo bixinaysa shahaadadaa waayo somaliland ma jirto xarun bixisaaba shahaaadadaa ma nala wadaagi kartaa website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *